walwalka joogtada ah wa xanuun caafimaad maskaxeed oo si tartiiba u carqaladeeya nolosha qofka , qof walba wuu walwalaa mararka qaar lakiin marka uu noqdo mid si joogta ah u jira, kuna xad – gudba caadi nololeedka qofka, wuxuu is beddelaa xaalad u bahan in si dhaba loo fahmo loo na daaweyo .
maqaal kan waxa ku eegaynaa wax walba oo la xiriira walwalka joogtada ah. waxa uu yahay ,waxa sababa , calamada lagu garto iyo sida loo xakameeyo si dabiici ah oo cilmi ku salaysa
wa maxay walwalka joogtada ah ?
walwalka joogtada ah (Generalized Anxiety Disorder – GAD) waa xalad qofku si joogta ah u ugu jiro walwal
cabsi ama fakar xad dhaafa oo ku sabsan arimo malinle ah ,sida caafimadka, lacagta , shaqda iyo nolkosha guud ahaan ban walwalkas ayaa inta badan aan lahay sabab muuqata ama aad ugu wayn yahay arimaha ay ku saabsantahy
cilmi baarisyio caafimaad ayaa sheegaya in (GAD) uu yahay mid ka mida ah cuddurada caafimaad ee maskaxda ee ugu badan dunida .waxa lagu qiyaasa in dad badan oo soomali ah ,qudaha iyo qurbaha ,aya la il daran yihiin walwal joogta ah iyagoon helin wax daawo ah ama taageero ah .
calaamada lagu garto walbalka joogtada ah
walwalka joogtada ah wuxuu leeyahay calamodo badan oo ka muuqda jidhka ,maskaxda iyo dha1qnka guud ee qofka . calaamada waxa ka mida :
1. calaamadaha maskaxda
- fakar badan oo xaga mustaqbalka ah
- ka walwalid arima yaryar ama aan muhiim badan lahayn
- cabsi joogta ah
- dareen in wax xun dhacayaan
- maandoorid ama diirad la aan
2. calaamada jirka
- wadno garaac degdeg ah
- madax xanuun
- neefsashada oo kacsan
- calool xanuun iyo lalabo
- daal iyo tabar daro
3.calaamada nolosha ee maalinlaha ah
- Hurda la aan
- ka fogaanshaha dadka iyo meelaha mashquulka ah
- gaabis ku yimada shaqada ama waxbarshada
- isku buuqitaan joogto ah
- niyad jab ama carro
sababaha keena walwalka joogta ah
ma jiro sabab gaar ah oo sababa walwalka joogtada ah keena , waxa sababa arimo badan oo is biirsaday
1. dhaqan- nololeed xun
- caddaadis nololeed : shaqo la aan , saboolnimo ama ma suulliyado badan
- nolol kacsan oo aan daganayn
2.khibrad hore oo xun
- qof hore u soo maray dagaal , barakac , kufsi ama geeri
- xasuuso murugo leh oo markasta dib soo noqota
3. isirka qoyska iyo dhiiga
- qofka ay qoyskiisa horay ugu dhacday xanuunada maskaxeed ayaa khatar badan ugu jirah
4. cilladaha kiimikada ee maskaxda
- isbedel ku yimada dheelitirka kiimikada maxkaxda ( neurotransmitters sida serotonin iyo dopamin)
5. maandooriyaha iyo khamriga
- isticmaalka walxaha mandooriyaha wuxuu dhawacaa nidaamka neefaha
- qaadka,khamriga iyo sigaarka cabsida waxay kicisaaan walwalka
saamaynta walwaka joogtada ah ku leeyahay nolosha
walwalka joogtada ah wuxuu sababi karaa :
- xiriiro burbura (qays, asxaab)
- waxqabad hooseeya ( dhibco hoos u dhacaya, shaqo laga tago)
- cuduro jireed sida cadaadis dhiig ama macaanka
- isku day is dilid (suicidal thoughts)
sidaa darteed , fahamka iyo la tacaalidda wa arrin muhiim ah oo sameeya guud ahaan tayada nolosha
sida loo xakameeyo walwalka joogtada ah
waxa jira sababo badan oo walwalka lagu xakameyn karo, kuwaas oo isugu jira:
1. daawaynta dabiiciga ah
a) jimicsi joogta ah
- socod 30 daqiiqo ama malintii wuxuu yaraynayaa hormoonka (cortisol)
- jimicsigu wuxuu kordhiyaa farxadda iyo xasiloonida
b) hurdo wanaagsan
- seexo 7-8 saacadood habeenkii
- ka fogow isticmaalka telefoonka saacada hurdad
c) cunto wanaagsan
- cun cunnooyin hodon ku ah magnesium, omega -3 iyo antioxidants
- ka fogow caffeine xad – dhaaf ah iyo sonkorta
2. farsamooyinka maskaxda iyo nafaqada
a) neefsashada dheer ( deep breathing )
- waxay dejisaa maskaxda isla markaana hoose u dhigtaa wadnaha
b) xasilloonida maskaxda (Mindfulness & Meditation)
- baro in aad maskaxdaada ku celiso hadda oo aad ka fogaato fikirka mustaqbalka
c)qoraal iyo diiwaan gelin (Journaling)
- qor waxa aad ka walwalsan tahay iyo sida aad dareemayso
- tani waxay kaa cawinaysaa soocidda fikradaha
3. iska fogaanta waxyaabaha walwalka kordhiya
- iska yree la socodka dadka negativity badan keena
- ka fogow wararka xun iyo baraha bulshada
4. daryeel caafimaad
a) la – talin iyo therapy
- cognitive behavioral therapy waa mid ah daawaynta ugu wax tarka badan
- waxay ka caawineysaa in aad garato fikirka khaldanee keena walwalka
b) Daawooyin
- takhaartiirta maskaxda waxay qori karaan dawaynta xakamaynta neurotrasmitters- ka
fiiro gaara ah : ha isticmaalin daawoyinka adigoo aan la tashan dhaqtarkaga
5. diinta
talooyinka diiniga ah :
- tukashada shanta waqti
- akhrinta qur aanka
- duco iyo dikri
- tawakkulka iyo aaminada qadarka
Goorma ayaa la rabaa in aad caawimaad raadsato ?
haddii aad dareento:
- in walwalkaagu kugu yeeshay saamayn shaqo /qoy
- inaad dareento rajo la aan
- fikir isdilida
- xanuuno jireed aan lahayn sabbab muuqata
markaas waa muhiim in aad la xiriirto takhtar caafimaadka maskaxda
Gunaanad
walwalka joogtada ah waa xaalad caafimaad maskaxeed oo la dawayn karo. waxa uu la yimaada calaamado jir ahaaneed, maskaxeed iyo nololeed . waa muhiim in la aqoonsasado calamadaha , la fahmo sababaha , lana qaado tallabooyin ku haboon si looga baxo . daawaynta dabiiciga ah , taageerada bulshada , caawimaadda xirfadlayaasha caafimaadka iyo rumaysadka aale – dhammaan waxay qeyb ka yihiin bogsashada .
