Sidee Looga Faa’iidaystaa Baraha Bulshada si Loogu Kobciyo Ganacsi?

Sidee Looga Faa’iidaystaa Baraha Bulshada si Loogu Kobciyo Ganacsi?

Baraha bulshada (social media) manta waxay ka mid yihiin aaladaha ugu awoodda badan ee ganacsi lagu horumarin karo. ma jiro ganacsi maanta la jaanqaadi kara suuqa hadii aanu si sax ugu faa’iideysan baraha bulshada sida Facebook, instagram ,TikTok, youtube ,iyo X( Twitter hore) . maqaalkani wuxuu ku tusayaa sida aad si xeel dheer ugu faa’iidaysan karo baraha bulshada si aad u kobciso ganacsigaaga – ha ahaado ganacsi yar ama mid weyn .

Akhri wax badan

Waa maxay Baraha Bulshada?

Baraha bulshada waa aalado dijital ah oo u suurta geliya dadka inay ku wada xiriiraan , xog is dhaafsadaan ,muuqaallo iyo qoraallo wadaagaan . waxaa ka mid ah :

  • facebook – ku habboon suuqgeynta guud , beegsiga kooxo gaar ah .
  • instagram – aad ugu fiican suuqgeynta muuqaalka leh (visual markerting )
  • tiktok – ku habboon dhalinyada iyo muuqaal ganacsi(video promotion)
  • x(twitter) – ku fiicaan la falgalka macaamiisha iyo dhisida sumcada .

maxaa tahay muhiimadda baraha bulshda ee Gnacsiga ?

hadii aad leedahay ganacsi , xitaa hadii uu yar yahay , baraha bulshada waa :

  • dariiq bilaash ah oo laga helo macaamiil cusub
  • goob aad ku dhisto kalsoonida macaamiisha
  • meel aad kaga hadii karto badeecooyinkaaga
  • xiriir toos ah oo aad la yeelaan karto dadweynaha
  • fursad aad ku kormeerto tartamayaasha

faa’iidooyinka isticmaalka Baraha Bulshada ee Ganacsiga

1. helidda macaamiil cusub

dadka maalin walba isticmala baraha bulshada waxay gaarayaan bilyan qof . markaad si xirfad leh u isticmaasho , waxaad si sahlan ku heli kartaa macaamiil cusub ,xitaa haddii aysan horey kuu aqoonin .

2. Dhisidda sumcadda ( brand identity )

dadku waxay jecel yihiin inay la macaamilaan shirkado ay aqoonsan yihiin. baraha bulshada waxaad ku dhisi kartaa magacaaga si joogto ah adigoo isticmaalaya :

  • sawirro tayo leh
  • muuqaallo wacyigelinah
  • faallooyin togan
  • la falgalka macaamiisha

3. suuq- geyn fudud oo jaban

haddii aad leedahay ganacsi yar, waxaad si fudud ugu xayaysiin kartaa alaabtaada facebook ama istagram adigoo isticmaalaya xayaysiisyo la beegsan karo ( targeted ads) oo qiimo jaban ah .

4. helidda fikirika macaamiisha

daka waxay si toos ah uhu falcelin karaan waxyabaha aad la wadaagto. taasi waxay kaa caawineysaa inaad ogaato

  • maxay dadku xiiseynayaan?
  • maxaa u shaqaynaya ganacsigaaga?
  • maxaa lagaa sugayaa?

Baraha bulshada midkee ugu fiican Ganacsigaaga?

waxay ku xiran tahay nooca ganacsigaaga:

  • haddii aad iibiso dhar, alaabo guri , qurxin iwm – instragram& tictok
  • hadii aad qabato adeegyo ( tusaale : timo jar , daryeel caafimaad ) facebook & istragram
  • hadii aad wax baris ama la taliye tahay – youtube & x
  • hadii aad ganacsi maxalli ah tahay ( gobol ama gaar ah ) facebook groups

Talooyin ku saabsan sida looga faaidaysto baraha bulshada :

1. samee profile xirfad leh

  • ku qor sawirka logo-ga shirkadda
  • qor sharaxaad cad oo kooban ( bio )
  • ku lifaaq cinwaankaaga , lambarkaaga iyo website haddii aad leedahay .

2. ku bixi waqti joogto ah

baraha bulshada waxay u baahanyihiin joogto. ugu yaraan 3 jeer todobaadkii wax la wadaag si macamiisha u dareemaan firfircooni .

3. isticmaak muuqaallo soo jiidasho leh ( photos & videos)

dadku waxay si dhakhso leh falcelinayaan muuqaal marka loo eega qoraal. tusaale:

  • video gaaban oo tusaya sida badeecada loo isticmaalo
  • sawir muuqda oo muujinaya natiitajada adeeggaaga
  • muuqaal toos ah oo aad ugu war bixineyso alaabo cusub

4. la xiriir macaamiisha ( engage with followers )

  • ka jawaab faalooyinka
  • qabo su’aalo ( poolls, Q&A)
  • dhiirrigeli fallooyin iyo wada sheekaysi

5. adeegso hashtagags sax ah

  • # Ganacsi
  • # suuuqgeyn
  • #alaabooyin
  • #somalibusiness
  • # onlinedukaan

hashtaags- ku waxay kaa caawinayaan in waxyaabahaga la gaaro dad cusub.

Qaabkee loogu xayasiistaa ganacsiga social media-ga ?

waxaad samayn kartaa xayeysiis aad si toog ah ugu beedsan karto:

facebook Ads &Instagram Ads

waxaad samayn kartaa xayeysiis aad si toos ah ugu beegsan karto :

  • dad da’dooda tahay 18- 35
  • ku nool magaalo gaar ah
  • xiisaynaya wax gaar ah ( tusaale : dhar ,qurxin, cunto)

influencer marketing

la shaqee dadka bulshada ku caan ka ah si ay alaabtada ugu xayeysiiyaan. tusaale ahaan, qof caan ka ah tiktok ama facebook oo ka faallo bixinaya adeeggaaga.

Guulo dhab ah oo ka dhacay Baraga Bulshada

Tusaale 1: wiil soomaali ah oo dubai jooga ayaa bilaabay inuu xayayeysiiyo dharka uu iibiyo facebool live . manta wuxuu leeyahay macaamiil joogta ah gudaha soomaaliya iyo dibada .

Tusaale 2- gabar soomaliyeed oo tiktok ku bilowday cuntada guryaha ayaa hadda furtay makhaayada yar.waxay macaamiisheeda ka heshay tictok .

khaladaadka ay tahay inaad ka Fogaato

  • inaad hal mar wax la wadaagto kadibna iska aamusto
  • inaad isticmaasho sawirro tayo liita
  • inaad dadka ku khasabto inay wax iibsadaan halkii aad qiimo siin lahayd
  • inaad la hadli weydo dadka faalloyinka bixiya

Gunaanad : waa sidee talaabadaada xigta ?

hadii aad weli su’aal ka qabto sida daa’iidaysto baraha bulshahada , la soco:

  • bilow si tartiib ah lakiin si joogto ah
  • ogow dhagaytayaasha (target audience )
  • isku day habab kala duwan
  • qiimee wax ku shaqeeya , ka tag wax aan faa’iido lahayn

baraha buklshada waa fursad waa ganacsi , hadii si sax ah loo adeegsado , waxay kuu noqon krtaa ildakhli

Akhri ssad u hesho maclimaad dheeri ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *