Sidee Loo Garta Kansarka Naasaha Marxaladaha Hore?

Sidee Loo Garta Kansarka Naasaha Marxaladaha Hore?"

kancerka naasaha wa mid ka mid ah cuddurrada ugu badan ee dumarka saameeya guud ahaan dunida. waa cudur halis ah ,balse hadii lagu garto marxaladihiisa hore , waxa ay suurtgalu tahay in si guul leh lagu daweeyo. qoraalkan ,waxaan si qoto dheer u falanqeyn doonaa calaamadaha ugu horreeya ee kansarka naasaha ,sababaha keena , cidda halista ugu jirta, iyo sida loga hor istaagi karo

waa maxay kancerka naasaha ?

kancerka naasha waa cudur keena in unugyada ku jira naaska ay si aan xakameysneyn u koraan una faafaan.waxaa uu ka bilaabmaa unugyada naaska ,wuxuuna ku faafi karaa qanjirada kale ee jirka sida qanjirka lafta ,beerka,sambabada iyo maskaxda haddii aan la daawayn

Maxay Tahay in la Garto Marxaladda Hore?

Marxaladda hore ee kancerka naasaha wa xilliga ugu muhiimsan ee lagu guuleysan karo daaweynta.hadii la suugo ilaa cudurka uu gaaro heerar sare (marxalad 3 ama 4 ) fursadda bogsashada waxay aad u yaraaneysaa.

faa iidooyinka lagu helo ogaanshaha hore :

  • daaweyn fudu oo aan u baahneyn qaliin weyn
  • waxyeello yar oo jirka ah.
  • qiima hoose oo daaweynta ah.
  • fursad sare oo bogsiin ah(95% marka marxaladda hore lagu ogaado)

Calaamadaha Hore ee kansarka Naasaha

waa muhiim in dumarka iyo xitaa ragga (oo dhif iyo naadir ayey ku dhacdaa) ay ogaadan calamada hore ee kansarka naasaha .halkan hoose waxaa ku xusan qaar ka mid ah calaa,adahaas:

1. isbeddel ku yimaada qaabka naasaha

naasku haddii uu ku soo bato, ku yaraado ama uu noqdo mid aan caadi ahayn marka loo eego kan kle waxay noqon kartaa calaamada hor le

2. uuro (mass / lumps ) gudaha naaska ama kilkilada

tani waa calaamadda ugu badan .hadii aad dareento buro adag oo aan wareegaynin markaad taabato, waa muhiim inaad la xiriirto takhtar.

3. isbeddel ku yimaada haragga naaska

  • haragga oo adkaada (sida qolof oranji ah)
  • cuncun joogto ah oo aan degaynin
  • cassaan ama barar muuqda

4. dhiiga ama dareere ka yimaada ibta naaska

dareere huruuud ah ,casaan ,ama midab aan caadi ahayn oo ka soo baxa ibta waa digniin caafimaad

5. ibtada oo gudaha u gasha (retracted nipple)

haddii ibta naaska ay horey u furneyd haddana gudaha u gasho, waa calaamad u baahan baaritaan.

6. xanuun joogto ah ama aan la garanayn sababtiisa

hadii naaska ama aaga ku dhow uu si jiigto ah xanuuno, wa in la baaro , gaar ahaan hadii uu socdo in ka badan 2 toddobaad.

Yaa Halista Ugu jira Kansarka Naasaha ?

inkastoo kansarka naasaha uu qof walba ku dhici , haddana dadka qaar ayaa halis dheeraad ah ku jira :

1. Da’da sare ( in ka badan 40 sanno)

da’da sii kordhaysa waxay kordhisaa halista kansarka .

2. taariikh qoys oo kansar ah

hadii hooyo, walaal ama ayeeyo hore ugu dhacday kansarka naasaha , fursaddaada ayaa kor u kacaysa .

3. isbedelka hormoonnada ( estrogen / progesterone)

haweenka isticmaala hormoon beddelka muddo dheer waxay halis dheeraad ah u leeyihiin .

4. cunto aan caafimaad lahayn iyo cayil badan

cayilka iyo cunista cuntooyinka dufanka badan waxay kordhisaa halista .

5. dhaqanka nolosha sida cabitaanka khamriga iyo sigaarka

isticmalka khamriga iyo sigaarka waa la xiriirtaa kansarka naasaha .

sidee loo ogaada kansarka marxaladda hore ?

1. is -baaris joogto ah ( self -examination )

dumarka waa iney bartaan sida loo sameeyo is- baarista naaska. tani waxay la micno tahay taabashda naaska bil kasta si loo ogaado wax isbeddel ah.

2.Baaris caafimaad (clinical breast exam )

takhaatiirta khibrada leh ayaa samayn kara baaristaan si ay u ogaadaan calaamdaha aan qofka la dareemi karin .

3. sawir- qaadis naas(mammogram)

waa qalab casri ah oo ogaadao burooyinka ama unugyada aan weli muuqan , gaar ahaaan dumarka weyn 40 sann0.

4. Ultrasound iyo MRI

xaaladaha qaar , baaritaanno kle ayaa lagu xoojiyaa si loo caddeeyo wixii la arkay .

marxaladaha kansarka naasaha (stages)

kansarka waxaa loo qaybiyaa afar marxaladood:

A) stage 0- unugyada kansarka ayaa ku jira hal meel , wax faafin ahna ma jirto .wa marxaladda ugu horaysa

B) satage 1- kansarku wuu bilaabmay, laakin ma uusan faafin meel fog .

C) satage 2 & 3 – kansarka wuxuu bilaabay inuu ku faafo qanjirada kilkisha ama meel kale oo naaska agtiisa ah.

D) Stage 4 – kansarka wuxuu ku faafy qaybaha kale ee jirka sida sambabada ,beerka ,lafaha iwm

sidee looga hortagi karaa kansarka naasaha ?

inkastoo aan si buuxda looga hortagi karin kansarka , tallaabooyinkan waxay si weyn hoos ugu dhigaan halista :

1. cunto caafimaad leh oo khudaar iyo miraha daban leh

2. jimicsi joogto ah ( ugu yaraan 30 daqiiqi malintii )

3. ka fogaanshaha sigaarka iyo khamriga

4. baaritaan joogto ah , gaar ahaan hadii aad halis sare leedahay

5. naas nuujinta ( waxay yareyso halista kansarka )

Goormaa ayay tahay inaad takhtar la xariirto ?

wa muhiim in aan sugin ilaa calaamaduhu ay sii xumadaan. la xiriir takhtar haddii aad :

  • dareento buro cusub
  • aragto isbeddel muuqda oo naaska ah
  • dareento xanuun aan joogsi lahayn
  • arkeysid dhiig ama dareere ka soo baxaya ibta

Gunaanad

kansarka naasaha wa cudur laga baqayo, balse hadii si hore loo ogaado, fursadaha bogsashada waa sareeyaan . wacyigelinta ,baarista joogtada ah , iyo ka warqabka jirkaaga wa talaabooyin muhiim ah oo naftaada badbaadin kara .

Dumarka soomaliyeed iyo guud ahaan bulshada ,waxa muhiim ah iney fahmaan in cudurkan uusan ahayn mid laga xishoodo ama laga baqo in laga headlo. wacyigelintau waa badbaado.

hadii aad muuqaalkaan ka heshay, fadlan la wadaag bulshada si ay uga faa’iideystaan. wacyigalintaada waxay badbaadin .

Akhri wax badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *