Sida Loo Helo Himilo Cad oo Noloshaada Hagta? ,Noloshu waa safar , safarkuna wuxuu ubahanyahy jihayn. qofka aan lahayn jiha saxda ah wuxuu lamid yahay doon ku socota bad ballaaran oo aan lahay mitoor iyo jiheeye . waa sababtaa darteed in qof kasta uu lahaado himilo cad oo noloshiisa hagta . gaar ahaan dhalinyada waxay muhiim utahay in ay si muhiima u fakarayaan ,qorsheeyan mustaqbalkooda ,isla markaana yeshaan himilooyin waawayn oo ay ku hagayaan naftooda
laakin suaalsha wayn waxay tahay : sidee loo helaa himilo cad oo noloshada hagta ? maqaalkan waxaa kaga hadli doonaa 15 qodob oo muhiima kana caawin doona inaad hesho jihada saxda ah ee noloshada
1. naftada baro ogow horta cidaa tahay
qof walba wuxuu leeyahay karti gaara, danayn gaar ah iyo riyooyin uu naftiisa ku qarsanaayo . si aad u hesho himilo cad waa inaad horta barato naftada is waydii su aalahan :
- maxaa iga farxiya ?
- maxaan si dabiiciya ugu fiicanhay ?
- maxaa doonayaa in aan gaaro mustaqbalka dhow iyo kan fog ?
naftaada markaad fahanto ,waxa si fudud u gaaraysaa jihada aad rabto in aad rabto in aad qaado
2. himilooyinkaaga qor – waxa aan qornayan wuu fududyahy in la ilaawo
marka aad dareento waxa aad rabto in aad ku guulaysto , ha ku eekaanin maskaxdda , qor qorista himiladu waxay kaa caawisaaa :
- in aad si muu qato u aragto waxa aad hiigsanayso
- in aad xasuusato mar walba halka aad u socoto
- inaad si tartiib ah u Sameeya qorshe aad ku gaarto .
Hadii aad Leedahay buug ama gal, aad Ku kaydiso himilooyinka ,waxay kugu abuuri kartaa ,dhiirigalin joogto ah .
3.ka Fakar Mustaqbal – side doonaysaa in loo xasuusto?
qof walba waxa uu jecelyahay in uu ka tago raad wanagsan , markaad rabto inaad hesho himilo cad ka fikir sida aad doonayso in lagu xasuusto tobboneeye sanno kadib :
- ma rabtaa in lagu xasuusto sidii hal abuur ?
- ma rabtaa in lagu xasuusto sidii qof bulshada wax u taray ?
- mise waxaa rabtaa in laguu xasuusto sidii ganacsade guulaystay ?
Sawirka mustaqbalkagu markuu caddaado ,waxaa si fudud u go aansan kartaa inaad gaarto
4.yaree waxyabaha kuu diidaya inaad socoto
mararka qaar, waxaa dareemaysaa in wax yaalo kaa mashquliyo kaa hortaagan yihiin inaad hormariso nasftada , waxaa kamida :
- saaxiibo aan ku dhiiri galin
- baraha bulshada oo waqti badan kaa cuna
- cabsida guuldarada
ka yaree wax kasto oo kaa hortaagan in aad gaarto himiladad ha ogolaanin in waqtigaagu khasaaro .
5. dhis kalsoonida aad naftada ku qabto
kalsoonidu waa furaha guusha ,qof aan aan naftiisa ku kalsoonayn ma gaari karo meel fog . si aad udhisto kalsooni :
- xasuuso guulihii yaraa ee hore
- la hadal naftada si togan
- ka fogow is barbar dhiga naftada iyo dadka kale
kalsoonidu waxay kuu iftiiminaysaa wadooyinka nolosha , waxay kuu dhiirigalinaysaa inaad mar walba is daydo
6. u samee qorshe cad himiladaada
himilada biaa qorshe ah waxay la mid tahay riyo aan run noqon . marka aad ogaato waxa aad rabto , u samee qorshe tallaabo tallaabo ah :
- go aanso waxa aad qabanayso bil walba
- u qaybi himilada yoolal yaryar
- la soco hormarka aad samaynayso
tusaale ahaan , hadii aad rabto inaad noqoto qoraa wayn qor shahaagu waa in uu noqdaa in aad qorto 500 erey
7. Raadi dad kaa dhiirigaliya
kaligaa way adagtahy inaad gaadho meel fog . la xiriir dad ku dhiiri galiya markasta oo kuu rajeeya wanag :
- ku biir kooxo togan
- la xiriir macalimiin ,lataliyaal, iyo dad ka hal abuur ka leh
- akhri buuugta ama daawo maqaalo dhiirigalin leh
dad wanagsan waxay kuu noqon karaan nal kuu ifaaya jidka aad socoto
8.aqbal in dhib iyo dib udhac imaan karaan – laakin ha hogaansan
mararka qaar, noloshu waxay kugu keeni kartaa caqabado ,guul dararooyin iyo dib dhac .lakiin wa qayb ka mida safarka guusha . waxaa u bahantahay :
- dulqaad
- is aaminaad
- in aad wax ka barato khaladkaga
qofka guulaysta ma aha mi aan jabin ,balse wa mid markasta ka kaca jabkasta ee soo wajaha
9. dib u eeg himiladaaada sanadkiiba mar
waqtigu waa is badalaa, adiguna waa horaysaa . waxaa muhiima in sannadkiiba dib u eegto himiladad :
- ma jiraa himilo cudub aad danaynayso?
- maxaa kaga qobsoomay himiladii hore ?
- mala jaanqaadaysaa is badal nolosha ?
dib u eeg waxay kaa caawinasayaa inaad si joogta ah u la socon kartid qorshayaashada
10. ilaali niyad wanaagga – rumee inaad guulaysan doonto
niyad wanaaggu wa xudunta guusha ,hadii aad aamimto inaad gaari karto meel sare ,waa gaari doontaa maskaxdadu wxay tahay mashinka ugu wayn aad haysato :
- ka fikir si togan
- naftaada ku celceli erey dhiirigalin ah sida : wan guulaysanayaa ,wan awoodaa ,wan kabsan karaa
- xasuuso in guulaystayaashu markasta ay la kulmi karaan caqabad
11. samee vision board
vision board wa erayo ama sawirayo dhiirigalin ah oo aad ku dhajiso meelo muuqata sida gidaarka darbiga waxayna kuu noqotaa xasuus joogto ah oo ku saabsan :
- waxa aaad rabto inaad gaarto
- yoolalka ugu muhiimsan nolosha
- meesha aad rajaynayso inaad mar un gaarto
waxaa samayn kartaa adigoo :
- daabaco sawiro ku sabsan yoolkaga
- ku darso erayo dhiirigalin ah sida : Riyadaydu waa surta gal , waa gaari doonaa
12. ka baro daka guulaysatya -tusaalooyin dhab ah
tusaale : maxamed salax ( mo salah )
mo salah wuxuu ka yimi tuulo yar oo masar ku taalla ,lakiin wuxuu lahaa hal himilo inuu noqdo xidig ku bada cagta caalamka ka tirsan wuxuu uhoraa waqti ,dadaal iyo iscaafimaadin ,wuxuuna noqday xidig caalami ah oo dunida laga yaqaan
tusaale : ilhaan omar
ilhaan omar wa gabar ka soojeeda dalka soomalia ,waxay noqotay xildhibanad katirsan congress ka maraynkanka ma fududayn laakin himilo is sabir ayey ku gaartay . waxay ahayd gabar qaxootiya ,hada manta waxay ka mid tahay haweenka ugu saamaynta badan siyaasada maraykanka
13. ila tali – ha noqon mid kaligiis isku daayey
mararka qaar waxaa ubahantahy in lagaa cawiyo sidii aad u kala hormarin lahay yoolkaga ku xirmo :
- macalin
- waalidkaga
- qof karti u leh qorshayna nolosha
- saxiib si dhaba ku jecel
14. noloshada qeex – ha ku noqon qof waqti ku noole
dad badan noloshooda waxay ku qataan si toosan iyadoo la socon daruufo lakiin adigu is sheeg :
- waxaan doonayaa inaan sameeyo 5 sano gudohood ?
- yaa nolosha iga danbayn doona hadan molosha istaago?
- maxaan uga tagayaa jiilka iga danbeeya ?
noloshaadu ha noqoto mid lagu cabbiro adiga talad iska leh ee aan lagugu riixin daruufaha
15. diinta iyo himilada -sidee islamku u arkaa?
islaamku si qoto dheer wuxuu uga hadlaa in layeesho :
- hadaf
- feker samee
- camal wanagsan
Gunaanad – adigu ma leedahay himilo cad
hadaf la aantu waxay keentaa nolosha is daba yaaca hadafka la socda qorshe , samir ,niyad wanaag iyo kalsooni – wuxuu keenaa guul la taban karo
Ha sugina beri – bilow manta
- qor himilada ada
- samee qorshe
- ka fogow wax kaa mashquulinaya
- raadi cid kaa taageerta
- ilaali maskaxda togan
waxaad sameen kartaa :
- Qor 3 yool nololeed
- qor sababta aad rabto in aad u gaarto
- qor waxa aad manta ka bilaabi karto
Suaal : waa maxay hal himilo oo aad manta rabto in aad xaqiijiso ?
ka tag faallo , dadka kale wax ka baran karaan. waxay u noqon kartaa dhiirigalin.
