Maxaa Sababa Niyad-jabka Dhalinyarada? Iyo Sida Loo Maareeyo?

Maxaa Sababa Niyad-jabka Dhalinyarada? Iyo Sida Loo Maareeyo?

nayad jabku waa dareen culus oo saameyn ku yeesha maskaxda ,jidhka ,iyo nolosha guud ee qofka . dhalinyadu oo ah qaybta ugu firfircoon bulshada , mararka qaar waxay la kulmaan culeysyo nololeed oo sabab niyad jab. maqaalkan , waxan si qoto dheer u eegaynaa sababaha dhabta ah ee keea niyad-jabka dhalinyada iyo sida loo maareyn karo si loo helo nolol caafimaad qabto, firfircoon iyo farxad leh.

akhri in badan

qaybta 1: waa maxay niyad -jab ?

Niyad -jabku waa xaalad maskaxeed oo qofku dareemo murugo joogto ah ,rajo la ‘aan ,tamar la’aan ‘iyo in uu ka niyad -jabo nolosha guud ahaan. ma aha oo kaliya in qofku dareemo murugo, balse wa xaalad sii soccota oo saameyneysa shaqada , waxbarashada , xiriirka bulshada iyo caafimaadka guud ee qofka .

calaamadaha niyad- jabka :

  • murugo aan sabab lahayn oo joogto ah
  • xiisaha oo luma
  • hurdo la ‘aan ama hurdo badan
  • isku kalsooni la’aan
  • daal joogto ah
  • feker badan oo xun
  • go’doon iyo kalinimo
  • fakar ku saabsan dhimasho ama is dil

qaybta 2: maxaa sababa niyad -jabka dhalinyarada ?

1. cadaadiska bulshada iyo qoyska

dhalinyarada waxay marayaan marxalada kala guur ah oo nolosha si dhab ah u fahmayaan. marka ay waalidiintu ama bulshada ka filaan wax ka baxsan awoodooda ,waxa dhalin kara cadaadus keena niyad jab tusaale ahaan :

  • waalid doonaya in ilmihiisu noqdo dhaqtar halka uu isagu siisaynayo farshaxanka
  • qoys ku khasbanya dhalinyada in ay guursadan iyadoon aysan diyaar u ahayn
  • bulsho wax ka sheegta qofka haddii uusan la jaamqaadin heerka bulshada

2. Dhibaatooyinka dhaqaale

shaqo la ‘aanta, , lacag la ‘aanta ,ama sabaolnimo wa sabab weyn oo dhalinyada u galiya niyad-jab . marka dhalinyaro aysan awoodin inay buuxiyaan baahidooda aasaasiga ah, waxay dareemaan in aysan wax qiimo ah lahayn .

3. Baraha Bulshada( social media)

inkasta oo ay yihiin aalado algu xiriiriyo ,baraha bulshada waxay dhalinyarada saaraan cadaadis:

  • isbarbardhig joogto ah oo u dhexeeya noloshooda iyo sawirrada dadka kale
  • dareen ah in noloshoodu ka liidato mida kuwa kale
  • caddaalad darro dhanka muuqaalka ah ( body image )
  • cyberbullying ama faquuq online ah.

4. jacayl iyo kala tegid

jacaylka dhalinyarada oo xanuun badan ku dhamaada keeni karaa niyad -jab daran . markay dhalinyaro jecel yihiin qof si qoto dheer , kaddibna uu xiriirkaasi burburo , qalbiga iyo maskaxda ayaa dhaawacma

5. xanuunada maskaxda iyo hidde- sidaha

qaar ka mida dhalinyada waxay dhalaan jirrooyinka maskaxda sida niyad -jab . waxaa intaas dheer,xanuuno kale sida PTSD, ADHD ama cilldo kale oo maskaxdeeda ayaa keeni kara niyad -jan haddii aan la daaweyn.

6. Dhibaatada waxbarshada

culayska imtixaanka , guuldarrooyin joogto ah ama dareenka in aadan wax karin waxay sababi karaan niyad- jab .

7. Fakar Xun iyo iska Hadal Hoose oo Tabban ( Nehative self- talk)

marka qofka is yiraahdi, aniga ma fiicni , qofna ima jecla , waa guul daraystay , waxaynsi toos ah u wiiqayaan maskaxdiisa taas oo dhalin kartaa niyad- jab.

qaybta 3 : sidee loo maareeyaa niyad -jabka dhalinyarada?

in la fahmo sababaha niyad -jabka waa tallaabada koowaad. laakiin ka gudbidda xaaladdan waxay u baahan tahay dadaal,faham,iyo taageero.

1. la Hadal Qof Aad Ku Kalsoontahay

Hadalku waa bogsiin . marka aad la hadasho saaxiib, waalid , macalin ama qof aqoon u leh xaaladaada, waxaad dareemeysaa in aadan kaligaa ahayn.

2. Raadi gargaar caafimaad maskaxda

la-talinta dhakhaatiirta cilminafsiga ama la taliyaasha caafimaadka maskaxda waxay gacan weyn ka geysan karaan fahamka xaaladaada iyo helidda xalka ugu habboon. daaweeynta sida TALK THEROPY

(psychotherapy ) ama xitaa daawooyinka ayaa kaalin mug leh ka qaata .

3. Ka fogow Baraha Bulshada Marka Ay dhibaato keeneen

haddii aad dareento in baraha bulshada ay saameeyn taban kuu leeyihiin , jooji isticmaalka muddo kooban.ka bogo nolosha dhabta ah. isu day inaad wakhti la qaadato qoyskaaga ama asxaabtaada .

4. samee jimicsi joogto ah .

jimicsigu wuxuu kiciyaa hormoonada farxadda sida endophins. 20 daqiiqo oo socod ah maalintii waxay la mid tahay daawo dabiici ah oo lagula tacaalo niyad – jabka .

5. samee jadwal noloshaada

qorshee malintaada u samee waqti waxbarasho,nasasho, jimicsi iyo ciyaar. nidaamku wuxuu yareeyaa buuqa iyo niyad jabka .

6. Nafta U Naxariiso

ha is eedeyn mar walba . waa caadi in la khaldamo ama guuldareysto ,naftada u daryeel sidii aad u daryeeli lahayd saaxiib muhiim kuu ah .

7. Ku Dadaal Cibaadada iyo Rumaysnaanta

dadka badan, diinta iyo cibaadada waxay ka helaan nasasho maskaxeed iyo nafis ruuxi ah . ducada ,salada ,iyo xasuusta eebe waxay yarayn kartaa culayska nafsiga ah.

Qaybta 4: doorka Qoyska iyo Bulshada

Qoyska

  • waalidiinta waa inay si dhow ula socdaan dhaqanka ilmahooda
  • dhegeysi dhab ah oo ilmaha la siiyo wuxuu noqon karaa furaha bogsiin
  • waalidiinta waa inay muujiyaan jacayl joogto ah iyo kalsooni

Bulshada

  • waxabarashada caafimaadka maskaxda waa in laga saraa manhajka dugsiyada
  • maktabadaha ,xarumaha dhalinyada ,iyo masaajidda waa in lagu qabtaa barnaamijyo wacyigekin ah.
  • in la joojiyo ceebeynta (stigmatization ) dadka la tacaalaya niyad- jabka.

Gabagabo

niyad -jabka ma aha ceeb. waa xaalad caafimaad oo u baahan in la fahmo ,lala tacaalo, lana xalliyo. dhalinyarada waa tiirka bulshada ,haddii ay niyad-jabaan, bulshada oo dhan ayey dhaawaceysaa. waa masuuliyad wada-jir ah in aan ilaalino ,taageerno , oo aan dhiirrigelino dhalinyarada.

waa muhiim inaad la hadasho qof xirfad leh haddii aad dareemeyso niyad-jab daran .

akhri wax badan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *